Home Wararka Caalamka Alaabada Faransiiska oo laga diiday Badi wadamada Islaamka gaar ahaan kuwa Carabta

Alaabada Faransiiska oo laga diiday Badi wadamada Islaamka gaar ahaan kuwa Carabta

0

diiditaanka dalabyada alaabada Faransiiska ee dunida Carabta ayaa sii kordheysa taasi oo ka dhalatay Falalka uu Dalka Faransiiska ku wado dadka islaamka iyo sidoo kale Nabi Muxamed NNKH.

dukaanka Al Meera ee Qatar, oo la tartameya dhiggooda Faransiiska Monoprix iyo Carrefour, ayaa bayaan ay soo saareen jimcihii waxay ku sheegeen inay alaabada Faransiiska kala baxayaan bakhaaradooda xilligan. Dukaammada Kuweyt ayaa sidoo kale gabi ahaanba ka saaray alaabooyinka Faransiiska.

Jordan ayaa Sabtidii sheegtay inay cambaareyneyso sii wadida daabacaadda sawirrada nabi Muxamed NNKH. Xisbiga mucaaradka ee dalka ee loo yaqaan ‘Islamic Action Front’ (IAF), ayaa talaabo hore u sii qaadaya wuxuuna ugu baaqayaa dadka degan wadanka inay qaadacaan alaabada Faransiiska.

Waxaa jiro wadamo badan oo islaam ah kuwaasi oo durba bilaabay in ay diidan Dalabyada iyo wax walbo oo ka yimaada Dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska Emanual Macron ayaa dhawaan sheegay in Diinta islaamka ay la jaan qaadi karin dunida casriga hadalkaasi oo lagu tilmaamay mid aflagaado ku ah diinta islaamka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here