Home Wararka Maanta Baaritaan lagu sameenayo Shirkadaha ka shaqeeya Daryeelka Dadka la caawiyo ( personlig...

Baaritaan lagu sameenayo Shirkadaha ka shaqeeya Daryeelka Dadka la caawiyo ( personlig assistans )

0
Photo Kallestad, Gorm/TT

Kormeeraha Caafimaadka iyo Daryeelka ee Iswiidhan, IVO, ayaa maanta soo bandhigaya tilaabooyin awood u siinaya in ay joojiso qayaanada iyo falalka dambiyeed ee ka dhex jira Shirkadaha taakuleynta shaqsiyeed. (personlig assistans)

Warbixintii ugu dambeysay ee loo gudbiyo dowladda, waxaa la soo jeediyay, tusaale ahaan, in hey’addu ay awood u yeelato inay aragto macluumaad qarsoodi ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta kale loona oggolaado inay ka qeyb qaadato diiwaangelinta dambiyada iyo tuhunka booliska.

РWaa mushkilad caan ah oo la xiriirta qayaanada caawimaadda waxaanan sheegi karnaa in shirkadaha damiir laawayaasha ah aysan joojin arinkaasi ayay tiri Sofia Wallstr̦m, agaasimaha guud ee IVO.

Sida laga soo xigtay IVO, oo mas’uul ka ah dib-u-eegista hab-dhaqanka shirkadaha ee caafimaadka iyo daryeelka, maamulka ayaa xilligan ka maqan agabkii looga baahnaa in lagula dagaallamo shirkadaha xun xun.

РWaxaan heysanaa fursado aad u daciif ah oo aan xoog kuls dhaqmi karno, sidaa darteed isbadaladan fiiqan ee sharciga aad ayey muhiim noogu yihiin, ayuu yiri Wallstr̦m.

Sanadihii ugu dambeeyay , kiisas dhowr ah oo looga shakiyay wax isdaba marin lagu sameeyay shirkadaha caawimaadda ayaa fiiro gaar ah la siiyay. Kuwani waxay ahaayeen dad si been ah u khiyaaneeyey kaalmada naftooda iyaga oo iska dhigaya inay u baahan yihiin gargaar shaqsiyadeed, looga shakiyo inay khiyaameeyaan warbixinnada waqtiga ee shaqaalaha iyo lacagta shirkadda loogu wareejiyey akoonnada gaarka loo leeyahay.

Sidaa darteed IVO waxay u soo jeedineysaa dowladda talaabooyin ay ka mid yihiin in hey’addu ay awood u yeelato inay ka hesho macluumaadka qarsoodiga ah maamulada kale, ka qeybqaadato baaritaanka booliska iyo diiwaanka tuhunka, waxay kordhisay fursado ay kula laaban karto ruqsadaha shirkadaha iyo sidoo kale inay suurtagal tahay in laga qeyb qaato xisaabaadka canshuuraha shaqsiyaadka ee wakaalada canshuuraha.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here