Bishii Diseembar ee sanadkii hore aabe Ciraaqi ah ayaa ula safray xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood Ciraaq. Wuxuu qorsheeyey inuu gabadhiisa u soo guuriyo
Gabdhahan ayaa jira da’da 14 iyo 16 sano. Iyaga iyo hooyadoodba waxaa dhibaato kasoo gaartay dil uu u geestay Aabahood markii ay tageen Dalka Ciraaq.
Laakiin iyaga oo kaashanaya mas’uuliyiinta Dowlada Iswidhishka waxay u suurtagashay in ay dib ugu soo laabtaan Sweden.
Hadda waxay ku nool yihiin cinwaan qarsoodi ah. Gabdhaha ayaa sidoo kale la siiyay xayiraad ku meel gaar ah oo ku saabsan safarka iyo Basaboorkooda. sidaasi darteed cidna uma safrin karto dalka dibadiisa
Waa sharci cusub oo u ogolaanaya masuuliinta Dowlada inay dadka siiyaan mamnuucida noocaas ah.
– Mamnuucistu waxay naga caawinaysaa inaan ilaalino carruurtan
Sidaas waxaa yiri Per Sandberg oo ka mid ah maamulayaasha degmada Växjö.
Dhowr jeer oo hore ayey dhacday in carruurta Iswiidhan loo qaado dalal kale. Intii u dhexeysay bilihii Juun iyo Sebtember ee sannadkan oo keliya, 41 carruur ah ayaa la kaxeeyay
Somaliska Stockholm