Home News in English Sweden oo dhimeysa Tirada Shaqaalaha ee kaga sugan Safaarada Ukraine

Sweden oo dhimeysa Tirada Shaqaalaha ee kaga sugan Safaarada Ukraine

0
Foto/TT

Sweden ayaa go’aansatey in la dhimo tirada shaqaalaha safaaradda ay ku leedahay Kiev, iyadoo walaac laga muujiyey xaaladda dalka Ukraine, xilli qoysaska diblumaasiyiinta Sweden ay billaabeen inay dalka dib ugu soo laabtaan, kaddib codsi Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 

“Xaaladda ammaanka oo khatar ah oo lama filaan ah awgeed, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa go’aansatay in la dhimo tirada shaqaalaha loo diro safaaradda Sweden ee Kiev,” ayay wasiiradda
arrimaha dibadda Ann Linde ku tiri hadal ay soo saartay. 

Waxay intaas ku dartay, “Safaaraddu hadda waxay fulinaysaa go’aanka, iyadoo la tashanaysa wasaaradda arrimaha dibadda, si loo qaado tallaabooyinka amniga ee lagama maarmaanka ah. Linde ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in dowladdu ay si dhow ula socoto isbedelada ka socda Ukraine iyo nawaaxigeeda , iyadoo xustay in safaaradda Sweden ay sii wadi doonto howlaha qunsuliyada iyo caawinta.

Waxaa la soo wariyay in tan iyo 12-kii Febraayo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay soo jeedisay talada Iswiidhishka ee ku saabsan joojinta safarka Ukraine sababtoo ah “xaaladda amniga khatarta ah ee lama filaanka ah ee dalka iyo nawaaxigeeda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here