Home News in English Ruushka oo tijaabinaya gantaalada nukliyeerka Nuuca Cruise missiles

Ruushka oo tijaabinaya gantaalada nukliyeerka Nuuca Cruise missiles

0

Ruushka ayaa tijaabinaya gantaaladii ugu dambeeyay ee nooca loo yaqaan Cruise missiles, Robot-yada kuwaas oo qaadi kara hubka Nukliyeerka.

Dhanka kale, waxaa socda dadaallo dublamaasiyadeed oo xooggan oo looga hortagayo dagaal daba dheeraada oo ka dhaca Ukraine.

Xaalad kacsanaan ah ayaa jirta waxaana ugu dambeeyay Jarmalka oo ka codsanaya muwaadiniintiisa in ay si deg deg ah uga baxaan Ukrain madama weerar uu dhici karo xili kasta.

Xogo ay helayaan Wadamada Yurub iyo Mareykanka ayaa muujinaya in Ruushka uu Dagaal ku qaadi karo Ukraine waqti walbo.

Dhanka Ruushka waxa uu sheegay in uusan qorsheyneynin inuu Dagaal ku qaado Ukraine xili uu sii wado dhoolatuska uu ka wado xadka uu wadankan la leeyahay wadamada kale ee Yurub.

Sweden iyo Mareykanka ayaa kamid ah Wadamada Muwaadiniintooda ugu baaqay inay ka baxaan Caasimada Ukraine.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here