Home News in English Xisbiyada oo doonaya in Guurka ilma Adeerka laga Mamnuucayo Sweden

Xisbiyada oo doonaya in Guurka ilma Adeerka laga Mamnuucayo Sweden

0

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha gudaha Morgan Johansson ayaa sheegay in dowladdu aysan dooneyn in la mamnuuco guurka ina adeerka.

Xisbiyada Libaraalka iyo Sverigedemokraterna ayaa ku baaqay in dembi laga dhigo guurka ila adeerka , iyaga oo ku andacoonaya in uu ka mid yahay dhaqanada xun..

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka cadaaladda ayaa u arkay in mamnuucida guurka qasabka ah ee Sweden ay ka dhigan tahay, in ficil ahaan, aan qofna lagu qasbin wax uusan rabin. Isagoo la hadlayay Radio Sweden ayuu sheegay in dowladdu ay aaminsan tahay in taasi ku filan tahay.

Halka madaxa xisbiga liberaaliga, Nyamko Saboni, uu sheegay in go’aanka dowladdu uu yahay mid ka dhan ah dhammaan carruurta hadda ku koraysa Sweden, iyo kuwa u yimaada Iswiidhan xorriyadda, sinnaanta iyo xuquuqda carruurta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here