Home News in English Rasmus Paludan oo laga diiday Banaan-bax uu ku qaban lahaa Dalka Sweden

Rasmus Paludan oo laga diiday Banaan-bax uu ku qaban lahaa Dalka Sweden

0
Photo: HÃ¥kon Mosvold Larsen / NTB TT

Booliska Dalka Sweden ayaa diiday Banaan-bax uu soo qaban qaabiyay Rasmus Paludan oo ah nin ku Caan baxay islaam Naceybka.

Ninkan oo dhoor jeer goob fagaaro ah lasoo istaagay gubista Quraanka Kariim ayaa doonayay inuu Banaan-bax ku qabto fagaaraha Möllevång.

Waxa uu doonayay inuu muujiyo sida uu kaga soo horjeedo Islaamka ku sugan Dalka Sweden kuwaasi oo dhankooda qabanayay isku soobax ay kaga soo horjeedaan waalidka Asalkood yahay soogalootiga ee Caruurta laga qaato.

Booliska ayaana ugu danbeyn diiday Codsiga Ninkan iyagoo sabab uga dhigay inay rabshado ka dhacaan halka uu ku qabanayo Banaan-baxa.

Markii uu ogaaday in Codsiga laga diiday ayuu tagay fagaaraha Värnhem si halkaasi uu ugu gubo wax u muuqda karbadka Quraanka lakin Booliska ayaa gaaray oo goobta ka ka xeeyay.

Rasmus Paludan oo asal ahaan kasoo jeeda Denmark ayaa heesta dhalashada Dalka Sweden isagoo dhoor mar isku dayay inuu gubo Quraanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here