Home Wararka Maanta Sweden oo dhaleeceesay soo jeedinta midowga Yurub ee Mushaharka ugu yar Shaqaalaha

Sweden oo dhaleeceesay soo jeedinta midowga Yurub ee Mushaharka ugu yar Shaqaalaha

0
Foto: Ari Lorestani / TT

Dowlada Sweden ayaa si xoogan u dhaleeceysay talaabada Gudiga Yurub ay ku soo rogeen mushaarka Shaqaalaha Yurub. Sida ay sheegtay idaacada Radio Ikot maanta

Wasiirka Shaqada Eva Nordmark ayaa tiri, “Waxaan aad u dhaliilayaa
faragalinta Midowga Yurub ee ku aadan go’aaminta mushaaraadka, maadaama ay runti
“.tahay arin qaran.

Komishanka ayaa laga sugayaa inay soo bandhigaan soo jeedintooda maalinta berri. Iswiidhan iyo wadamada Waqooyiga Yurub waxay ku baaqeen talo bixin, laakiin taasi ma dhicin, maadaama soo jeedinta ay soo diyaariyeen Guddiga Yurub ay tahay arin sharci ah
.oo waajib ku ah

Komishanka ayaa ku qoray soo-jeedinta, oo ay dib u eegis ku sameysay Ekot, in
mushaharka ugu yar la bixiyo iyadoo loo eegayo dhaqaalaha wadamada yurub oo saameyn uga timid Corona.

Hindisahan ayaa sheegaya in wadamada sida Iswiidhan oo kale, uu saameyn ku yeelanayo madama mushaharka lagu dejiyo heshiisyo wadajir ah ee udhaxeeya ururada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha,

Soo jeedinta midowga yurub ma cadeneyso heerka ay gaarsiisan tahay kororka ugu yar ee wadamada aan heysan heshiisyada wadajirka ah, laakiin wuxuu tixraac ahaan u
adeegsanayaa heerka caalamiga ah. Xaaladdan oo kale, mushaharka ugu yar waa inuu
noqdaa boqolkiiba 50 celceliska mushaharka waddanka. Haddii celceliska mushaharka
waddanku yahay 40,000 karoon, tusaale ahaan, markaa mushaharka ugu yar waa inuu
.noqdaa 20,000 kronor.

somaliska Stockholm

xigasho/ radiosverige qeybta Afka Swedhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here