Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Turkiga oo ku baaqay in aan la iibsan Alaabada Faransiiska

Madaxweynaha Turkiga oo ku baaqay in aan la iibsan Alaabada Faransiiska

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku biiray baaqyada ah in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, taasoo sare u qaadaysa khilaafka u dhexeeya Faransiiska iyo dalalka Muslimka ee Islaamka iyo xorriyadda hadalka.

Erdogan ayaa hogaamiyay dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Emmanuel Macron ee ku aaddan sida adag ee uu u difaacayo xaqa ku jees jeesidda diinta ka dib dilkii macallin iskuul Faransiis ah oo tusay ardaydiisa kartoon ku saabsan nebi Maxamed .

Isniintii, hoggaamiyaha Turkiga wuxuu codkiisa ku daray baaqyada ka socda dunida Carabta ee ah in muwaadiniintu iska tuuraan alaabada Faransiiska.

“Marnaba ha ammaanin alaabta lagu calaamadeeyay Faransiiska, ha iibsan,” ayuu yiri Erdogan, oo sababay hadal carro leh dhammaadka isbuucan asagoo sheegay in Macron uu u baahan yahay “baaritaan maskaxeed,” intii lagu jiray khudbad telefishanka laga sii daayay Ankara.

Badeecada Faransiiska ayaa horey loogala soo tooray Dukaamada waaweyn ee Qatar iyo Kuwait, iyo wadamada kale ee Khaliijka, halka Siiriya dadkuna ay gubeen sawirada Macron iyo calanka Faransiiska oo lagu gubay caasimada Liibiya ee Tripoli.

16-kii Oktoobar ayay aheyd markii madaxda laga jaray Macalin Samuel Paty oo ardaydiisa tusay Sawir uu sameeyay jooraanka Charllie Hebdo joornaalkaasi oo 2015 loo geestay weerar lagu dilay 12 kamid ah shaqaalaha joornaalka.

Ka dib dilkii Paty, Macron wuxuu soo saaray dareen difaac xorriyatul qowlka iyo qiyamka diiniga ah ee Faransiiska, isagoo wacad ku maray in dalku “uusan ka tanaasuli doonin kartoonada.”

Somaliska Paris

Turjumay Somaliska.com Qeybta Wararka Caalamka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here