Home Wararka Caalamka Sweden iyo Finland oo dhoolatus ciidan oo wadajir ah ka sameeyay magaalada...

Sweden iyo Finland oo dhoolatus ciidan oo wadajir ah ka sameeyay magaalada Gotland

0

Iyadoo uu dagaalku ka socdo dalka Ukrain labada dal ee deriska ah ee Finland iyo Sweden, ayaa magaalada Gotland ku qaban doona dhoolatus ciidan oo ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha F18.

“Dhoolatusku wuxuu ahaa mid la qorsheeyay muddo dheer, laakiin hadda waxaan diiradda saaraynaa iskaashiga muhiimka ah ee Finland,” ayuu yiri Jonas Wijkmann, ku xigeenka madaxa howlgallada ee ciidamada qalabka sida.

Waxa uu soo hadal qaaday hadalkii shalay ka soo yeeray Taliyaha guud ee Ciidamada Micheal Biden oo uu ku sheegay in qatarta Sweden ay kor u kacday, taasina ay saameyn ku yeelan doonto howlaha Ciidamada.

War saxaafadeed uu soo saaray wasiirka gaashaandhiga Peter Hultqvist ayuu ku sheegay in dhoolatusyadani ay qayb muhiim ah ka yihiin xoojinta difaaca Sweden.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Dowladda aan xubinta ka ahay waxay sii wadaa inay cadaadis ku saarto cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka , taageerada Ukraine iyo xoojinta Sweden. La shaqaynta Finland waa qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta difaacayada. Waxaan kor u qaadaynaa awoodayada inaan u wada shaqayno deris ahaan haddii loo baahdo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here