Home News in English Ciidamada Cirka ee Ruushka oo ka degay Magaalada Kharkiv, Ciidanka oo Sidoo...

Ciidamada Cirka ee Ruushka oo ka degay Magaalada Kharkiv, Ciidanka oo Sidoo kale la wareegay Caasimada Kherson

0
Photo/Vyacheslav Madiyevskyy/Reuters

Ciidamada Ruushka ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kherson oo ku taal koonfurta dalka Ukraine oo ku taal meel istaraatiiji ah, iyadoo duulaanka Moscow ee dalkaasi uu galay maalintiisii ​​todobaad .

Dhanka kale Milateriga Ukraine ayaa sheegay in isku dhacyo degdeg ah ay qarxeen ka dib markii ciidamada Ruushka ee duullaanka ah ay ka dageen magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv maalintii toddobaad ee uu Ruushku si buuxda u weeraray deriskooda.

“Qaybaha Ruushka ee ciidamada qalabka sida waxay si buuxda u maamulaan xarunta gobolka Kherson,” afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Igor Konashenkov ayaa sidaas ku sheegay hadallo laga sii daayay telefishanka Arbacadii maanta.

Wuxuu ku andacoodey in adeegyadii bulshada iyo gaadiidka ay si caadi ah u shaqeynayeen. “Magaaladu kuma jirto cunto yari,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaasi ku daray inay socdaan wada-hadallo u dhexeeya ciidamada Ruushka iyo maamulka deegaanka oo ku saabsan ilaalinta nidaamka, ilaalinta shacabka iyo sidii ay u shaqayn lahaayeen adeegyada bulshada.

Weriyaha Aljazeera Andrew Simmons, oo ka soo waramaya magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, ayaa sheegay in ay jiraan warbixino sheegaya in “askarta Ruushka lagu arkayo waddooyinka Kherson”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here