Home Wararka Maanta Sweden 5 Qof oo u dhimatay Xanuunka Corona maanta (Sharciyo la filayo)

Sweden 5 Qof oo u dhimatay Xanuunka Corona maanta (Sharciyo la filayo)

0
Photo: Pontus Lundahl / TT

Shan qof oo kale oo qaba Xanuunka Corona ayaa la xaqiijiyay  inay u dhinteen xanuunna gudaha Sweden, sida lagu sheegay tirakoobkii ugu dambeeyay ee Wakaaladda Caafimaadka Bulshada.

Sidaas darteed, 5,813 qof oo cudurka qaba ayaa u dhintey cudurkan faafa. Wadarta 84,521 qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘covid-19’ gudaha Iswiidhan.

Shirka jaraa’id ee maanta la qabtay ayaa lagu sheegay in Dowlada ay soo kordhin karto sharciyo dhanka marooyinka afka lagu xirto.

Agaasimaha diyaar garowga mashaakilka ee Maamulka Qaranka ee Caafimaadka iyo Daryeelka Johanna Sandwall ayaa sheegtay intii lagu gudajiray isla shirka jaraa’id in sahayda alaabooyinka kahortaga daryeelka caafimaadka ay hada marayso heer wanaagsan.

Isniinta shalay , Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee Sweden waxay sidoo kale bixisay talo cusub oo ku saabsan baaritaanka carruurta iyo dhallinyarada, taas oo dhakhtarka cudurrada faafa ee gobolka uu faallo kaga bixiyay intii lagu jiray shirkii jaraa’id waxana uu sheegay in Caruurta ay iskuulkooda dhigan karaan loona baahneen in guriga ay joogaan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here