Home Wararka Denmark Malmö:- Kacdoon ka dhashay Quraanka Kariimka oo lagu gubay Xaafada Rosengård

Malmö:- Kacdoon ka dhashay Quraanka Kariimka oo lagu gubay Xaafada Rosengård

0

Kadib markii magaalada Malmö kitaabka quraanka lagu gubey maalintii jimcaha ayey dad gaaraya 300 oo qof isugu yimaadeen Amiralgatan iyagoona xayiray gaadiidka iyo isku socodka magaalada.

Dadka ka danbeeyey khalalaasaha ayaa la sheegey inaaney aheyn kuwo deggen xaafadda Rosengård oo aheyd meesha dhibku ka dhacay halkaasi oo kooxaha xagjirka midigta fog ee islaam naceybka ku caanbaxay ay ku gubeen quraanka kariimka.

Wadamo badan oo Caalamka ayaa ka falceliyay Falkaasi waxaana ugu horeeyay Dowlada Turkiga oo dhaleeceesay falkaasi kuna amaantay Dowlada Sweden xir xiritaanka Dadkii ka danbeeyay Falkaasi.

Dadkii maalinta Jimcaha Quraanka Kariimka ku gubay Malmö ayaa kasoo jeeda Dalka Denmark lakin Codsi ay ka dalbadeen Booliska Sweden ayaa keenay in loo ogolaado dibad-baxa ay dhiganayeen inkastoo markii danbe laga diiday.

Dalalka Norway,Denmark ayaa caadiyan taageera Falalka lagu dhibaateeyo Diinta islamka waxaana Halkaasi ka dhigan Ururo kasoo horjeeda Islaanimada Dalalkaasi lakin Sweden waaka Mamnuuca Kooxahan iyo walina kuwa kasoo horjeeda Qaxootiga ee Madax martay Cadaanimada.

Photo/TT

Somaliska Malmö

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here