Home Wararka Denmark Kalkaaliso u dhalatay Danmark oo labo mar laga helay Xanuunka Corona

Kalkaaliso u dhalatay Danmark oo labo mar laga helay Xanuunka Corona

0

Kalkaaliye caafimaad oo danmark u dhalatay  ayaa ka mid noqotay Dadka uu labada jeer ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘covid-19’. 41 jirkan ayaa xanuunsatay bishii Abriil – iyo markale bishii Luulyo.

– Waan matagay oo jirkeyga oo dhan ayaa i xanuunayay. Marka qandhada iga dhamaatay, waxaan waayey dhadhankii iyo udgoonkii waxaanan sii waday dawakh, Marie-Louise Kleszewski oo sheekeynaysa habka ugu horreeya ee Cudurka ku dareentay iyadoo u warameysay Ekstra Bladet.

Bishii Abriil 11, waxay heshay natiijo wanaagsan oo ku aadan in Xanuunka kasoo kabsatay.

Soo kabasho ka dib, waxay ku soo noqotay shaqadii adeega daryeelka waxayna bilawday inay waqti la qaadato qoyskeeda. Laakiin bishii Luulyo ayay markale ku xanuunsatay astaamo la mid ah bishii Abriil. Iyo 10-kii Luulyo,.

Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa la ogaaday in bukaan ku nool Hong Kong uu ku dhacay corona laba jeer oo u dhexeysa wax ka yar afar bilood. Tan iyo markaas, sidoo kale waxaa jiray warbixino dhowr ah oo kiisas la mid ah Yurub.

© Foto: TT

Somaliska Copenhagen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here