Home Wararka Sweden Stockholm Masaajid dib loo furay iyo imaamka Masjidka oo ka hadlay

Stockholm Masaajid dib loo furay iyo imaamka Masjidka oo ka hadlay

0
Foto: Mikael Fritzon / TT

Mu’asasada muslimiinta ee Växjö ayaa ku dhawaaqday in dib loo furayo masaajidka magaalada , sanad kadib markii loo xiray sababo la xiriira cudurka faafa ee Corona. “Waxaan raaci doonnaa shuruucda oo aan ilaalin doonaa masaafada noo dhexeysa,” ayuu yiri Ismaaciil Abu Hilal oo ah imaamka masjidka oo la hadlay SVT.

Masaajidka ayaa waxaa kuxiran doona tiro kooban oo cibaadeysanaya inta lagu guda jiro bisha Ramadaan si loo xadido faafida cudurka. Masaajidka ayaa inta badan waxaa ka buuxa dad cibaadeysanaya bisha Ramadaan oo dhan, laakiin waxaa lagu qasbay inuu albaabada u laabo sanadkii la soo dhaafay cudurkan faafa awgeed. Abuu Hilaal wuxuu yiri: “Waa wax aad u murugo badan, Ramadaanta oo aan lahayn masaajid waxay la mid tahay cuntada oo aan biyo lahayn, laakiin dadku way fahmeen taas.”

Gudiga maamulka Mu’asasada muslimiinta ee V Muslimxjö ayaa la xiriiray  maamulka gobolka si ay ugu wargaliyaan sharciyada lagu dhaqi doono masjidka.

“Haddii aan leenahay salaad jamac ah, ugu badnaan waa sideed qof,.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here