Home Wararka Norway Raisal Wasaaraha Norway Erna Solberg oo sheegtay in Todobaadkan la furayo Qeybo...

Raisal Wasaaraha Norway Erna Solberg oo sheegtay in Todobaadkan la furayo Qeybo kamid ah Dalka

0
Photo: Håkon Mosvold / Larsen NTB

raiisel wasaare Erna Solberg (H) ayaa ku dhawaaqday in howsha dib u furida bulshada Norwey ay bilaabmi doonto todobaadkan.

Solberg waxay tiri waxaa jira sedex sababood oo ay ku dareemeyso kalsooni ku aadan bilaabida dib u furitaanka Norway todobaadkan.

Markii aan horkeenay (qorshaha dib u furista) baarlamaanka Norwey (Storting), waxaan idhi waxaan ku tiirsanaan doonnaa xogta, ee kuma xirna taariikhaha, si aan markale u furno. Hadda, waxaan joognaa meeshii aan ka hirgelin lahayn tallaabada ugu horreysa ee qorshaha dib-u-furista, ”ayay tiri Solberg.

Solberg ayaa xustay in dib u furiddu ay bilaaban karto sababo la xiriira horumarka xaalada cudurka, awooda nidaamka daryeelka caafimaadka, iyo tirada dadka la talaalay.

“Tallaabooyinka la soo saaray ka hor Easter-ka waxay umuuqdaan inay leeyihiin saameyn wanaagsan. Sidaa darteed, waxaan dib uga laabaneynaa talaabooyinkan laga bilaabo Jimcaha, ”ayay raacisay Solberg.

Dawladdu waxay sidaas u oggolaan doontaa iibka cabitaanada illaa 10 PM laga bilaabo Jimcaha, Solberg ayaa sidaas tidhi.

Dawladdu waxay u oggolaan doontaa ardayda ku nool meelaha aan infakshanka sare ku jirin inay fursad u helaan waxbarashada jir-dhiska ugu yaraan hal mar usbuucii.

Bilowga Maajo, dawladdu waxay qiimeyn doontaa bal inay ammaan ku filan tahay si ay u hirgeliso tallaabada labaad ee qorshaheeda dib u furista.

“Qeybta hore ee Maajo, waxaan qiimeyn doonnaa in shuruudaha ay ku habboon yihiin hirgelinta tallaabada 2 ee qorshaha dib-u-furista inta lagu jiro bisha Maajo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here