Home Wararka Maanta Stefan Löfven oo ka hadlay Xaalada Corona iyo Dhibaatada Kooxaha Gangiska

Stefan Löfven oo ka hadlay Xaalada Corona iyo Dhibaatada Kooxaha Gangiska

0

Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa marti ku ahaa dhamaadka barnaamijka todobaadka Järva oo sanadkan loo qabtay qaab muuqaal ah madama uu jiro xanuunka Corona ayaa ka hadlay xaalada wadanka.

Stefan Löfven ayaa ugu horeyn ka hadlay xaalada Corona waxana uu sheegay in wali ay jirto dhibaatada Cudurka safmarka isla markana wadanka uu xiranyahay ama dhaq dhaqaaq badan la sameyn karin isagoo bulshada ugu baaqay in kaalintooda ay ka qeyb qaataan.

arinta labaad uu ka hadlay Raisal wasaaraha ayaa ah dhibaatada Kooxaha Gangiska isagoo ku sheegay mid kamid ah dhibaatooyinka ugu adag oo u baahan in la xaliyo waxana uu intaasi ku daray in loo baahanyahay in qof walbo uu xaq u leeyahay nolol xur ah oo cabsi aan ku jirin.

Barnaamijka Todobaadka Järva waxaa marti ku ahaa guud ahaan hogaamiyaasha xisbiyada ku jira Barlamaanka kuwaasi oo ka hadlay siyaasada wadanka iyo arimaha nawaaxiga Järva.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here