Home Wararka Maanta Åkesson: “Waxaan ka saameyn badanahay wax ka badan intii aan ku riyoonayay”

Åkesson: “Waxaan ka saameyn badanahay wax ka badan intii aan ku riyoonayay”

0

Jimmie Åkesson hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna ayaa u sheegay  GP  in xisbigu ka saameyn badanyahay wixii uu ku taamayey, tan iyo markii xisbiga loo doortey baarlamaanka sanadkii 2010. 

– Si aan rasmi ahayn, waxaan u saameyn ku yeeshay wax ka badan intii aan ku riyoon lahaa. Arrinta socdaalka, is-dhexgalka, siyaasadda dambiyada… oo in badan inagu wajahan tahay, ayuu u sheegay wargayska

Patrik Öhberg oo ah cilmi baare ka tirsan machadka SOM ee jaamacada Göteborg ayaa sheegay in soo galitaanka SD ee baarlamanka ay ka dhigtay xisbiga Socialdemokraterna iyo Moderaterna in ay badalaan fikirkooda ku aadan arinta qaxootiga.

– Waxaan u maleynayaa in Iswiidhan lahaan lahayd siyaasad gebi ahaanba ka duwan soogalootiga haddii SD aysan soo geli lahayn baarlamaanka Sweden. Soo dhaweynta qaxootiga ee gaar ahaan waxa afka iswiishka lagu dhaho ” generöst ” ama deeqsinimo waxay noqotay wado looga soo horjeedo SD, ,hberg ayaa u sheegay wargeyska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here