Home Wararka Maanta Caasimada Oslo oo bilaabeysaa talaalka Da’aada 18-jirka ee caafimaadka qaba

Caasimada Oslo oo bilaabeysaa talaalka Da’aada 18-jirka ee caafimaadka qaba

0

Galabnimada Talaadada, Dowlada Hoose ee Oslo ayaa ka bilaabi doonta degmada Bjerke talaalka 18-jirka.

Bjerke waa mid ka mid ah degmooyinka laga helay tallaalada dheeraadka ah horraantii sanadkan sababo la xiriira cadaadiska cudurka oo aad u sarreeya, sida uu qoray wargayska Aftenposten.

Maamulka Norwey ayaa horey u ansixiyay in la talaalo dadka da, doodu tahay 12 sano jir, laakiin waa hadii ay qabaan cuduro hoose. 

Hadda, markii ugu horreysay, 18-jir caafimaad qaba ayaa la siin doonaa tallaalka coronavirus.

Kooxda da’da 18-24 waxaa la tallaali doonaa isla waqtiga ay qaadan doonaan dadka da’doodu u dhexeyso 40 iyo 44 sano. 

Da’da 25-39 ayaa la tallaalayaa ugu dambayn, sia uu qoray wargayska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here