Home Wararka Maanta Siyaasi Midigta Fog oo la Xiray kadib Markii uu Toogasho u geestay...

Siyaasi Midigta Fog oo la Xiray kadib Markii uu Toogasho u geestay Qoys Swedhish ah

0

Siyaasi Midigta fog ayaa lagu xiray Dalka Portugal markii uu Rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen Qoys Swedhish ah sida uu Qoray Joornaalka Expressen.

Falkan ayaa ka dhacay Dalka Portugal sida laga soo xigtay Booliska Dalkaasi waxana ninkan oo ah Siyaasi midigta Fog oo isku dayay in uu Laayo dadkaasi.

Dhacdada kadib booliska ayaa sheegay in nin 53 sano jir ah kana tirsan Siyaasiyiinta Midigta fog uu Xabadeeyay gaari ay saarnaayeen Todobo caruur ah iyo qof oo haaweyn ah.

ma jiro war intaasi ka badan oo laga soo sheegay falkan iyadoo booliska ay ku guuleesteen in ay gacanta ku dhigaan ninkan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here