Home News in English Duqa Eskilstuna ” Waxaan Rabnaa in Qaabilaada Qaxootiga laga Joojiyo Magaaladeena

Duqa Eskilstuna ” Waxaan Rabnaa in Qaabilaada Qaxootiga laga Joojiyo Magaaladeena

0
Fredrik Sandberg / TT

Duqa Degmada Eskilstuna ayaa shaaca ka qaaday in ay doonayaan in Degmadooda laga qaado masuuliyada Qaxootiga iyo Qaabilaadooda.

Jimmy Jansson oo ka tirsan Xisbiga S ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in ay doonayaan in Degmadooda laga joojiyo Qaxootiga.

Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in Xisbiyada kale ee Degmada ay arintaasi ku raacsanyihiin isla markana doonayaan in Qaxootiga laga joojiyo.

Waxa uu Qoraalkiisa ku xusay in Dhibaatooyinka ka dhacay Magaalada ay sabab u yihiin kuwa ajaanibta ee ku sugan Magaalada.

ugu danbeyn ayuu sheegay in Degmooyin kale ay qabaan go’ankooda oo kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here