Home Wararka Caalamka Nin Somali ah oo loo Xiray Dilka Xildhibaan ka Tirsan Barlamaanka UK

Nin Somali ah oo loo Xiray Dilka Xildhibaan ka Tirsan Barlamaanka UK

0

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toori.

Sir David ayaa dhowr jeer lagu dhuftay toorrida xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay.

Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in falkan “ay suuragal tahay inuu salka ku hayo argagixisnimo”.

Nin 25 jir ah oo British ah ayaa lagu xiray goobta isagoo loo heysto tuhunka ku aaddan falka dilka ah, booliskuna waxa ay sheegeen inaysan cid kale u raadineynin mas’uuliyadda falkaas dhimashada sababay.

Booliska ayaa qayb ka mid ah baaritaankooda hadda ku baaraya labo goobood oo ku yaalla magaalada London, sida ay sheegeen saraakiisha.

Waxa ay boolisku aaminsan yihiin in ninkaas uu kaligiis ku dhaqaaqay ficilka balse ay wali wadaan baaritaanno la xiriira sababaha keenay dhacdadaas.

Ninka la tuhunsan yahay ayaa ku xiran gobolka Essex, sida ay boolisku sheegeen.

Xubno ka tirsan dowladda ayaa BBC-da u sheegay in ninka heysta dhalshada Britain ee falkaas u xiran uu u muuqdo inuu asal ahaan yahay Soomaali.

Somaliska UK

Xigasho BBC

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here