Home Wararka Caalamka Akhriso:- Sharciyada Cusub ee ku Heshiiyeen Xisbiyada Germalka ee Dowlada Cusub soo...

Akhriso:- Sharciyada Cusub ee ku Heshiiyeen Xisbiyada Germalka ee Dowlada Cusub soo dhisaya

0

Dowlad Cusub ayaa la Filayaa in Xisbiyada Dalka Germalka soo dhisaan dhawaan Gaar ahaan Xisbiga ku guuleestay doorashada iyo Kuwa uu uga baahanyahay Caawinta Madama uusan Kaligiis helin Codad ku Filan.

Xisbiyada SPD, FDP iyo Grüne ayaa ku Heshiiyay Qodobada soo socda Si Dowlada Cusub loo soo dhiso dhawaan.

– In lacagta ugu yar ee Saacaddii lagu shaqeeyo 12 Yuuro laga dhigo. (Isla sanadka koowaad ee xukuumadda soo socota).

– Inaanan la xadidin xawaaraha ay baabuurta ku socdaan ee waddooyinka Autobahn-ka.

– In da’da ka qeyb qaadashada codeynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka ee Jarmalka laga dhigo ugu yaraan 16 sano. (Hadda waa inuu 18 sano jir ahaadaa qofkii inuu codeeyo doonaya).

– Inaanan kor loo qaadin Canshuuraha sida tan Mushaarka, tan Shirkadaha, tan Faa’iidada iwm.

Somaliska Berlin

W/Q Ahmed Kadiye

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here