Home News in English Sidee Ayaa ugu Fudud ee lagu heli karaa Kaarka Wadista Gawaarida Sweden...

Sidee Ayaa ugu Fudud ee lagu heli karaa Kaarka Wadista Gawaarida Sweden ( Körkort)

0

ku soo dhawaada Warbixinteena Nashada Todobaadka oo aan Todobaad walbo Dhamaadkiisa ku soo qaadan doono Warbixin muhiim u ah Bulshada maanta waxaan ku soo qaadaneynaa Sida ugu fudud ee lagu heli karo kaarka lagu kaxeeyo Gawaarida.

ilaa dhoor fursadood ayaa jira oo qofka uu heli karo kaarkaasi lakin qaarkood waa kuga aad u adag kuwana waqti iyo lacag ayaa ugu baxda ilaa ilaa afar qeyb oo muhiim ah ayaa halkan ku soo qaadaneynaa.

1 Barashada Gaariga

in aad u tagto goobaha lagu barto Gawaarida ee Trafikskolan waxaa qofka uga fudud in marka hore uu gacantiisa uu soo fadhiisiyo isagoo u maraya qof körkort-ka heesto mudo shan sano ah kadibna sidaasi ku soo barto marka uu soo barto uu ku biiro qeybta Trafikskolan-ka isagoo hilidoonaa cashiro ka yar intii loo qorsheen lahaa marka hore.

2 Trafikskolan

in aad shaqeyso iyo waliba inaad dhigato waxbarasho waxay keeni kartaa waqtiga oo kugu adkaada dad badan ayaa maanta ka faa’ideestay inay toos Howshooda ugu dhiibaan qeybta Trafikskolan-ka halkaasi oo lagaaga qabanayo balanta imtixaanka mar walbo aad ku soo dhacdo hadii aad adiga shaqsi ahaan balan-qabsaneyso wway adag tahay mar walbo.

3 Teori

in aad ku baasto imtixaanka nuuca teoriga waa mid adiga kuu gaar ah waliba aadan caawin ka heli karin qeybta Trafikskolan-ka qaabka ugu fudud ee aad ku heli karto ayaa ah in aad aqrisato qeybaha hore iyo kuwa cusub sidoo kale cashiro waxaa jira laga gato qeybta online-ka iyo App u gaar ah teoriga kuwaasi oo ku caawin kara isku day in aad mar walbo hal luuqad ku xirato waxay taas kuu sahleysaa in aad mar un soo qaado.

4 Talada Somaliska iyo Sida ugu Fudud

in Qofka uu ku qaado kaliya isagoo gaari soo waday oo uusan u tagin Trafikskolan-ka waa wax dhici kara lakin wax walbo waxaa ugu muhiimsan dunida waa Waqti waxaase halkaasi kaga lumaya waqtigaaga sababtoo ah maanta oo dhan waxaad eegeysaa waqtiga imtixaanka idiga oo aadan ogeyn in aad soo qaadeyso.

ka waran hadii adiga oo gurigaaga jooga lagu soo waco laguuna sheego in waqti imtixaan laguu hayo kadibna sidaasi dhib la’an ku gasho sidaasi darteed ku dadaal in aad si fudud ku qaad.

Fiiro gaar ah maanta xaalka ayaa adag sabab la xiriirta Coronavirus.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here