Home Wararka Maanta Qiimaha Caanaha Sweden oo Sare loo Qaadayo Bilowga Sanadka Cusub

Qiimaha Caanaha Sweden oo Sare loo Qaadayo Bilowga Sanadka Cusub

0
Foto Anders Wiklund / TT

Shirkadda cuntada ee Arla ayaa ku dhawaaqday inay sare u qaadi doonto qiimaha hal kiilogaraam oo caano ah bisha soo socota ee Janaayo sanadka cusub ee 2022.

Maamulaha guud ee Peder Tuborgh “Arla” ayaa ku nuuxnuuxsaday in shirkadu aysan ka go’nayn kor u kaca qiimaha Sweden. Tan waxaa u sabab ah qiimaha sare ee wax soo saarka, tamarta korontada iyo shidaalka.

Waxa uu intaa ku daray in ay u badan tahay in macaamiishu ay qiimo sare ku iibsadaan caanaha iyo farmaajada,  Korodhka qiimaha caanaha iyo farmaajada ayaa sidoo kale noqon doona mid joogto ah oo tartiib tartiib ah bilaha soo socda. Isbadaladan ayaana ka dhacaya caalamka oo dhan.”  

Waxa kale oo la filayaa in qiimaha caanaha ee dhammaan shirkadaha caanaha soo saara ee Sweden uu kordho 10 ilaa 15 boqolkiiba.

Tani waxay barbar socotaa kor u kaca qiimaha warshado kala duwan sida rootiga iyo hilibka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here