Home Wararka Maanta Shirkada Pfizer ” Bil Gudahood ayaa Talaal Cusub ugu Soo Saareynaa Coronaha...

Shirkada Pfizer ” Bil Gudahood ayaa Talaal Cusub ugu Soo Saareynaa Coronaha Cusub ee Omicron

0
Photo/CAROLINA BYRMO

iyadoo uu dhawaan soo baxay Corona Cusub oo ka dilaacay Qaarada Africa gaar ahaan Dalka South Africa waxaa kiisaskii ugu horeeyay lagu arkay Qaarada Yurub.

Shirkada soo saartay mid kamid ah Talaalada Corona ee Pfizer ayaa maanta shaacisay inay soo saareyso talaal Cusub oo u gaar ah Corona Cusub ee Omicron.

Shirkada ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in mudo bil ka yar ku soo saareyso talaalka loogu tala galay Coronaha Cusub.

Warka kasoo baxay Shirkada ayaa ku soo aadaya iyadoo dad badan oo Caalamka ay wali kasoo horjeedaan in lagu talaalo Talaalkii hore.

Hadii Talaalka Cusub uu soo boxo waxay taasi noqoneysa in Dadka qaatay Talaalka Hore ee Saddexda Qeyb inay qaataan mid afaraad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here