Home Wararka Maanta Magdalena Andersson oo mar kale loo doortay Raisal Wasaaraha Sweden

Magdalena Andersson oo mar kale loo doortay Raisal Wasaaraha Sweden

0
Foto: Fredrik Sandberg/TT

Magdalena Andersson ayaa maanta mar kale heshay codadka Barlamaanka Dalka Sweden iyadoo sidaasi ku noqotay Raisal Wasaaraha Sweden.

Andersson ayaa dhawaan xilkaasi loo doortay lakin mudo 8 saacadood kadib ayay xilkaasi ka dagtay markii mid kamid ah xisbiyada u codeeyay uu kasoo horjeestay iyada.

Xisbiyada Socialdemokraterna, Miljöpartiet, Centerpartiet iyo Vänsterpartiet ayaa u codeeyay 175 cod, halka xisbiyada Sverigedemokraterna, Libaraalka, Moderaterna iyo Kristdemokraterna ay u codeeyeen 173 cod.

Sidaasi ayayna ku noqotay Haweeneydii ugu horeesay ee taariikh-ada Raisal Wasaare ka noqoto Sweden.

Magdalena Andersson ayaa codeynta kadib la hadashey Barlamaanka waxayna sheegtay in Shaqo adag sugeyso dowladeeda isla markana hormar sameenayaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here