Home Wararka Caalamka Shirkada Gadiidka Stockholm ee SL oo joojisay Heshiiska ay kula jirtay MTR

Shirkada Gadiidka Stockholm ee SL oo joojisay Heshiiska ay kula jirtay MTR

0

Shirkadda gaadiidka dowladda ee gobolka Stockholm, SL, ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay heshiiskii ay kula jirtay shirkadda MTR ee ka shaqeysa tareenada Pendeltåg ee gobolka.

Ku dhawaaqista cusub ayaa ka dhigan in shirkad cusub ay la wareegi doonto shaqada tareenada gudaha laga bilaabo Maarso 2024.

SL waxa ay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in isu socodka tareenada guduhu ay la kulmeen carqalado waaweyn sannadkii hore, kuwaas oo saamayn ku yeeshay rakaabkii ku sugnaa gobolka.

Waxay intaas ku dartay in aysan awoodin in ay hesho waddo ay ku sii waddo heshiiska MTR, sidaas darteed ay labada shirkadood ku heshiiyeen in ay joojiyaan qandaraaska.

Dhaqdhaqaaqa tareenada ayaa dib u dhac weyn ku yimid xilliyo kala duwan sanadkii hore, waxaana qeyb weyn oo ka mid ah shaqaalaheeda ay sameeyeen shaqo joojin maalmo socotay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here