Home Wararka Caalamka Dad lagu Xukumay Musaafurin oo helay Sharciga Deganaashaha Sweden

Dad lagu Xukumay Musaafurin oo helay Sharciga Deganaashaha Sweden

0

Afar kamid ah Tobankii Qof ee loo Musaafurin lahaa dalka Suuriya ayaa helay Sharciga Deganaanshaha Dalka Sweden iyagoo dadkaasi soo dhameestay Xabsi lagu xukumay qaarkood sidaasi waxaa qoray SVT Nyheter Skåne.

– Waan ku qanacsanahay in aan helay sharciga degenaanshaha. Waxaan isku dayaa inaan si caadi ah u noolaado, u shaqeeyo oo u galo bulshada.

Sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah raggii lagu xukumay masaafurinta oo helay sharciga daganaanshaha kadib markii lagu xukumay xabsiga isla markana loo qorsheeyay in la musafuriyo.

Waxaa lagu xukumay 2020 kufsi, laakiin tan iyo markii xabsiga lagu xukumay ayuu helay sharciyo dhowr ah oo ku meel gaar ah, sababtoo ah Hay’adda Socdaalka ayaa qiimeysay inuu halis ugu jiro cadaadis dalkiisa ah, taas oo khatar ku ah naftiisa.

SVT Nyheter Skåne ayaa dib u eegis ku sameeyay in ku dhawaad 40 boqolkiiba dadka lagu xukumay in loo tarxiilo Syria tan iyo 2016 ay heleen sharciyo cusub oo ku meel gaar ah kadib markii ay dhameysteen xukun xabsi ah. Sababtuna waxay tahay Hay’adda laanta socdaalku go’aansatay inay haystaan sababo ilaalin ah oo aan la masaafurin karin.

– Asal ahaan waa qayb ka mid ah waajibaadka caalamiga ah. Ma aha xuquuq bini’aadmi inaad hesho sharci, laakiin waxaad xaq u leedahay inaan lagu masaafurin wadan aad halis ugu jirto in lagu dilo ama lagu jirdilo, ayuu yidhi agaasimaha sharciga ee Wakaalada Socdaalka Carl Bexelius.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here