Home News in English Sharciyo Cusub oo Sweden ka Dhaqan-galay, Waalidka oo Caruurta ka celin karin...

Sharciyo Cusub oo Sweden ka Dhaqan-galay, Waalidka oo Caruurta ka celin karin Sinada iyo Qodobo kale

0

Waxaa 1da Juun 2022, Sweden ka dhaqangalay sharci cusub oo lagula dagaallamayo wax lagu sheegay “Cadaadiska Sharafta” (Hedersförtryck), kaasoo lagu mutaysan doono xabsi u dhexeeya 1 ilaa 6 sano.

Waxaa ka mid ah sida inaan waalidku ama qofkii ka mas’uul ihi aanu ilmaha u sheegi karin qofkii ay la saaxiibayaan ama in ay galmo Sino ah la sameeyaan qof kale guurka kahor.

Waxaa arrintan oo xitaa il gaar ah loogu yeelanayo qaraabada fog oo la sheegay inay ka qayb qaataan ilaalinta sharafta ama in wiilashu ay gabdhaha la dhashay celiyaan, waxyaabaha lagu mamnuucay ka mid ah inaad ilmahaaga ku tiraahdo:

Saaxiibbadaa lama kulmi kartid

Ma isticmaali kartid baraha bulshada

Ma xiran kartid dharkii aad doonto

Ma baran kartid ama ma qaban kartid shaqadii aad doonto

Lama joogi kartid ama ma guursan kartid qofkii aad doonto

Galmo ma samayn kartid adigoo aan guursan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here