Home Wararka Maanta Digniin: Ninka ugu Qatarta badan Norway oo Xabsiga ka Baxsaday, Sweden oo...

Digniin: Ninka ugu Qatarta badan Norway oo Xabsiga ka Baxsaday, Sweden oo uu ku dhuumanayo

0
norsk polis

Booliska hore ee loo xilsaaray dabagalka waxa loo arko “Ninka ugu halista badan Norway” ayaa filayey in ninkan uu ku dhuumanayo guri ku yaala Sweden kadib markii uu ka baxsaday xabsiga.

Shalay ayay ahayd markii booliska Norway ay soo saareen digniino ay u jeedinayaan shacabka kadib markii uu xabsiga ka baxsaday gacan ku dhiigle Stig Millihogen.

Booliska ayaa sheegay in 53-jirkan uusan dib ugu laaban xabsiga Trondheim, halkaasoo uu ku dhameysanayo xukunkiisa.

Ninkan ayaa hadda laga baadi goobayaa Norway Swedem dhammaan degmooyinka booliska waxaa lagu wargeliyay baaritaanka.

Sanadkii 2012 Millihogen ayaa lagu xukumay 21 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inuu si bareer ah u dilay iyo hogaamiye kooxeed, waana ciqaabtii ugu adkeyd ee sharciga Norway.

Sidoo kale waxaa lagu helay dambi ah in uu toogtey askari ka tirsan ciidanka asluubta xilli uu horay uga soo baxsaday xabsiga.

Booliiska Norway ayaa uga digay dadka deegaanka inaysan u dhowaan Millhogen haddii ay la kulmaan, waxayna ku booriyeen inay si degdeg ah ula xiriiraan booliiska.

Booliisku waxay sheegeen sharaxaadda maxbuuska, iyo in dhererkiisu yahay 179 cm, dhisme culusna uu leeyahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here