Home News in English Sharciga Lagu Adkeenayo Mideynta Qoysaska oo Cabsi ku abuuray Qoysaska ” Goormee...

Sharciga Lagu Adkeenayo Mideynta Qoysaska oo Cabsi ku abuuray Qoysaska ” Goormee la filayaa Sharciga

0

Xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa dalbanaya shuruudo adag oo la xiriira mideynta qoyska ee Sweden, iyadoo xisbiyada kale ee garabka midigna ay taageersan yihiin qayb ahaan. Tani waxay kor u qaadaysa cabsida laga qabo kuwa sugaya in qoysaskooda la mideeyo.

Sharciga ayaa la filayaa inuu bilowdo marka dowlada Cusub ee dhanka midig la dhiso ugu danbeyn bilaha soo socda

Telefishinka Sweden ayaa maanta soo bandhigay kiiska aabe ku nool magaalada Sandviken oo aad uga walaacsanaa hadal heynta ku saabsan adkeynta xaaladaha. “Aad ayaan uga fikiraa caruurteyda,” ayuu yiri Emmanuel Kiflo oo u dhashay Eritrea. Ma doonayo inay keligood noolaadaan.”

Kiflo waxa uu ka soo cararay dalka Eritereeya si uu uga badbaado shaqada milatariga todoba sano ka hor, waxa uu ugu danbayntii gaadhay Sandviken, halkaas oo uu ka shaqeeyo waardiye ahaan, isla markaana uu baadari ka yahay mid ka mid ah kaniisadaha Eritrea. Labadii wiil ee uu dhalay waxay ku nool yihiin xero qaxooti oo ku taal Itoobiya, halkaas oo ay ku xanaanayso eeddadood.

Hooyada dhashay labada caruur ayaa geeriyootay afar sano ka hor. Kiflo waxa uu dalbaday dib u midoobida qoyska, balse waxa uu ilaa hadda diidmo ka helay Hay’adda Socdaalka, maadaama inta badan dadka Eriteriyaanka ah ay ku adag tahay inay caddeeyaan in carruurtaasi ay dhab ahaantii uu isaga dhalay

Kiflo ayaa hadda soo gudbiyay dukumiintiyo cusub oo uu rajaynayo in ay ku filnaan doonaan, balse baaritaanka hey’adda socdaalka ayaa laga yaabaa in ay qaadato waqti dheer, lamana oga sida uu ku dambeyn doono shuruucda mustaqbalka kadib marka la dhiso dowladda garabka midig.

Afarta xisbi ee garabka midig ee M, Sverigedemokraterna, KD iyo Liberalerna ayaa ku heshiiyey qodobbo lagu adkeynayo siyaasadda soo galootiga oo ay ka mid yihiin in la adkeeyo dakhliga soo gala qoysaska. Laakiin heshiisku waxa uu dhaleecayn kulul u jeediyay shirwaynaha qaranka ee xisbiga Libaraalka, hoggaanka xisbigana waxa lagu qasbay inay qayb ka noqdaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here