Sharciga halaga Celiyo Qofka Booqda Wadankiisa uu dhibaatada kaga soo cararay

Photo: Anders Wiklund / TT

Xisbiga Moderaterna oo kamid ah Xisbiyada ugu weyn Sweden ayaa soo jeediyay in Sharciga Deganaanshaha Rasmiga laga qaado qofka booqasho ku taga Dalkiisa sida ay Qortay Radiosverige.

Kulan uu Xisbiga yeelanaya dhawaan ayaa arintan looga hadlayaa iyadoo lagu falanqeenayo Qaabka Sharcigan uga bilaaban karo wadanka.

Afayeen u hadashey Xisbiga qeybta siyaasada Socdaalka ayaa sheegay in guud ahaan Qalad tahay in Qofka uu fasax ahaan u gaaro wadan uu markii hore dhibaato ugu soo cararay.

Waxa uu sheegay in Xisbiga uu ka hadlayo dood ku aadan arintaasi.

Caadiyan Wadanka Sweden waa Mamnuuc in Qofka uu booqasho ku tago dalkiisa hadii uu dhibaato ugu soo cararay.

Waxaa jira dad badan oo booqasho ku tagay kuwaasi oo sharcigooda dib looga ceshtay.

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*