Home News in English Sweden oo dib u soo Celisay Sharciga Lacagta looga Jaro Qofka Maalinta...

Sweden oo dib u soo Celisay Sharciga Lacagta looga Jaro Qofka Maalinta u Horeyso ee Jirada

0
Foto: Jonas Ekstromer / TT

Dowlada Sweden ayaa Maanta ku dhawaaqday in ay dib u soo Celisay Sharciga Dhigaya in Qofka laga Jaro Mushaharkiisa Maalinta ugu horeysa ee Jirada sida ay Qortay TT.

Sharcigan dib loo soo Celiyay ayaa dhigaya in Qofka laga Jaro Lacagta uu Heli Lahaa Maalinta hore ee Jiradiisa.

Dowlada Sweden ahaa Bilowday In Qof Maalinta u horeysa la siiyo Lacagta Jirada boqolkiiba 80% si looga Fogaado in Qofka uu aado Shaqada isagoo dareemaya Xanuun.

Sweden ayaa dhanka kale waxay dib u soo Celisay Warqadaha Cadeenaya in Qofka uu Xanuunsanyahay marka la dhaafo 8 Maalin taasi oo Horey loo joojiyay lagana dhigay in Qofka aanan looga Baahneyn Warqadaasi mudada lagu jiray Corona.

Laga Bilaabo 30 Bishan ayay dib u soo laabanayaan Sharciyada aan Kor ku soo Xusnay iyadoo guud ahaan Sharciyada wadanka ay badankooda dib u soo laabanayaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here