Home News in English Sharciga Dugsiga Sare ayuu ku helay Degenaanshaha lakin dib ayaa looga ceshtay...

Sharciga Dugsiga Sare ayuu ku helay Degenaanshaha lakin dib ayaa looga ceshtay sababtaan

2

tan iyo sanadkii 2015 waxaa jiray sharciyo badan oo Dowlada Sweden soo saartay kuwaasi oo qaxootiga lagu adkeeyay waxana arintaasi keentay in dad badan ay helaan diidmo isla markana wadanka ka baxaan waxaa dadkaasi ku jiray dhalinyarada wadanka ku timid kalinimada kuwaasi oo qaarkood helay diidmo.

Dowlada ayaa mar kale Sanadkii 2018 fursad siisay dhalinyarada diidmada heestay kuwaasi oo la siisay fursad ay wadanka ku joogi karaan hadii ay Dugsi sare dhigtaan oo ay gaaraan heerkaasi waxbarasho fursadaasi ayaa keentay in dhalinyaro badan ay helaan sharciyo isla markana wadanka sii joogaan.

Maxaa dhacay intaasi kadib

Ardayda la siisay Sharciga iyagoo buuxiyay sharuudaha ah in ay buuxiyeen Waxbarashada dugsiga sare ayaa ka tagay waxbarashada iyagoo bilaabay shaqo ay naftooda ku dabaraan taasi oo dhanka kale keentay in ay iskaga tagaan iskuulka sare ee lagu siiyay sharciga.

mid kamid ah dhalinyaradaasi ayaa sharciga dib looga ceshtay kadib markii laanta socdaalka ku wargalisay in uu soo xareesto sharciga madama uu ka dhacay kii la siiyay sharuudaha xareenta waxaa qeyb ka ahaa waxbarshada iskuulka sare ee sharciga lagu siiyay lakin nasiib daro waxbarashada waa uu ka tagay.

Hay’ada laanta socdaalka ayaa dib sharciga uga ceshatay waxana loo sheegay in uu wadanka isaga baxo madama uusan heysan wixii sharciga lagu siiyay hada waxa uu ku suganyahay wadan kale hadii ay noo suura gasho waxaan la yeelandoonaa wareysi ku saabsan arinkan.

Waxaa dhici karta in ay jiraan dhalinyaro badan oo sidaasi oo kale sameyn karta iskana hilmaami kara sababaha loo siiyay sharciga wadanka.

Fadlan iska ilaali wax-walbo oo keeni kara in aad ku waydo sharcigaaga ama la xiriir goobaha aad ka heli karto caawinta tusaalle qeybta hoose ku soo qor Su’aashaada si aan kuula wadaagno arinta ku saabsan kiiskaga ama la xiriir goobta aad ka heli karto caawin.

Somaliska Stockholm

AD

2 COMMENTS

  1. Asc waallo waxan ku waydiina ani waxan ahaay khof wayn oo shaqeysto mudo dheer 209 ilahada wan shaqeyna waxan hilay dhoowr diidmo oo wana garaan waye of shaqeeyo 2 sano canshuur bixinaaaye sabaab lagu heysto garan waye ilaso xariira ina leywaraysto rabaaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here