Home Wararka Denmark Raiisel wasaaraha Denmark oo noqotay haweeneydii 75-aad ee aduunka ugu awooda badan...

Raiisel wasaaraha Denmark oo noqotay haweeneydii 75-aad ee aduunka ugu awooda badan ( Akhriso Liiska)

0
Foto: Claus bech Scanpix

Raiisel wasaare Mette Frederiksen waa haweeneyda 75-aad ee aduunka ugu awooda badan sida ku cad liiska majalada Forbes ee 100ka haween ee aduunka ugu awooda badan sanadka 2020 .

Tani waa isla jagadii ay heshay sanadkii hore, halkaas oo ay magac ugu yeelatay “ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa taariikhda Denmark”.

liiska waxa ugu horeeya Raisal wasaaraha Germalka Chancellor Angela Merkel oo markii 10 aad kasoo muuqatay.

Ka dib Merkel kaalinta labaad waxaa soo gashay Christine Lagarde oo Faransiiska kasoo jeeda, taasi agaasime ka ah Sanduuqa Lacagta Adduunka, IMF.

waxaa ku xiga madaxweyne ku xigeenka Mareykanka mustaqbalka, Kamala Harris, kaalinta afaraadna waxaa ku jira Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen oo u dhalatay Jarmalka.

raiisel wasaaraha Norway Erna Solberg, ayaa ku jirta liiska 52-aad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here