Home News in English Barlamaanka oo Cod Aqlabiyad ah uga soo horjeestay Sharciga Dhalinyarada ee Dugsiga...

Barlamaanka oo Cod Aqlabiyad ah uga soo horjeestay Sharciga Dhalinyarada ee Dugsiga Sare

0
Photo/TT

Aqlabiyadda xisbiyada baarlamanka ayaa ka soo horjeeda soo jeedinta dowladda ee ku saabsan in laga Qafiifiyo sharciga dugsiga sare ee lagu muransan yahay. Tani waxay ka dhigan tahay in soo-jeedinta laga noqon karo.

– Hadda waa in dawladdu dhegeysataa baarlamanka, ayay Maria Malmer Stenergard (M) ku tidhi SVT News.

Sharciga dugsiga sare ee ka bilawday sanadka 2018 ayaa u suurta galiyay kumanaan magangalyo doon ah oo aan lala socon, oo laga diiday codsigooda magangalyo, inay joogaan Sweden si ay wax uga bartaan dugsiga sare. Qof kasta oo ku guuleysta inuu helo shaqo rasmi ah lix bilood gudahood wuxuu heli karaa sharci degenaansho oo joogto ah.

Bilowgii Oktoobar, xisbiyada Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet waxay soo jeediyeen isbadallo dhowr ah oo lagu sameeyo sharciga, oo ay ka mid tahay in shaqo waqti cayiman oo hal sano ah ku filantahay halkii labo ay ku filnaan laheyd helitaanka sharciga deganaanshaha

Aqlabiyadda ka soo horjeedda isbeddelka

Maalintii Isniinta, Xisbiga Centerpartiet wuxuu shaaca ka qaaday inaysan taageersanayn talaabadaas maanta oo talaado ahna waxaa cadaatay in aqlabiyada gudiga baarlamaanka ee caymiska bulshada ay kasoo horjeedaan

– Hadda waxaan goaansanay inaan baarlamanka ka rabno inay u sheegaan dowlada in aysan dhaqan galin doonin isbadalkan, ayey tiri Maria Malmer Stenergard, afhayeenka arimaha caymiska bulshada ee arimaha Moderaterna.

Waxay hada rajeyneysaa in dowlada ay raacdo rabitaanka baarlamaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here