Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo isbadal ku sameesay Sharciyada Xanibaadaha ee jira

Dowlada Norway oo isbadal ku sameesay Sharciyada Xanibaadaha ee jira

1
Sawir: Berit Roald, NTB

Wasiirka cadaalada Norway Monica Mæland ayaa sheegtay inay soo jeedinayaan isbadal dhowr ah oo lagu sameynayo sharciyada hoteelada karantiilku ka jiro. Bent Høie ayaa soo warisay in aysan noqon doonin sidii hore inta lagu jiro ciidaha”.

Intii lagu gudajiray furitaanka shirka jaraaid ee maanta, Monica Mæland waxay carabka ku adkeysay inay lama huraan ahayd in la soo bandhigo qorshaha hoteellada karantiilku ka jiro si loo xadido caabuqa soo dejinta, laakiin waxay isla waqtigaas sheegtay inay fahamsan yihiin in qorshahan loo arkay mid cadaalad daro ah.

Qaar ka mid ah xeerarka ayaa la dhaleeceeyay. Waxaa loo arkaa inay yihiin cadaalad daro, ayay tiri.

Sidaa darteed, dowladdu waxay soo jeedineysaa dhowr isbeddel oo lagu sameynayo qorshaha hoteelka karantiilku – inta badan la xiriira halka muddada karantiilku ka hirgeli karo.

Sharciyada Cusub ayaa dhigaya in Qofka uu mudada karantiilka ku dhameesan karo meel ka baxsan hoteelka marka uu wadanka soo gaaro halka markii hore ay aheyd in mudo 10 cisho uu ku sugnaado hotaalka sidoo kale dadka leh guryaha kirada ayaa isbadal lagu sameeyay mudada karantiilka.

– Waxaan hadda soo jeedineynaa in kuwa guryaha kirada ah dagaya laakiin aan halkan ku noolayn, ay halkaas sii joogi karaan inta lagu jiro muddada karantiillada ah, ayuu yidhi Mæland.

Markii hore, waxay u suurta geli jirtay keliya kuwa guryaha leh.

– Markaa ka dib waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa, in dadka aan deggenayn, aan lahayn ama kiraysan guryaha muddada karantiilku joogi karaan “meel ku habboon”, haddii ay si fudud u diiwaangeliyaan in la raacayo xeerarka karantiilka, ayuu yidhi wasiirka caddaaladda.

Ficil ahaan, tani waxay ka dhigan tahay in qofku uu u fasaxan yahay qol gooni ah, iyo sidoo kale musqul iyo jiko.

AD

1 COMMENT

  1. s.c. Qofku hadii uu joogayo muddo ka yar mudada karantiilka taas oo ah 10 maalmood ma loo ogolyahay in uu galo Norwey? tusaale ahaan hadii aan joogayo 4 maalmood khasab miyaa in aan joogo 6 maalmood oo dheeraad ah si aan u dhamaysto 10 maalmood oo karantiil ah?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here