Home Wararka Caalamka Dowlada UK oo Digniin ka soo saartay Talaalka dhawaan bilowday ( Dad...

Dowlada UK oo Digniin ka soo saartay Talaalka dhawaan bilowday ( Dad looga digay )

0

Digniin ayaa laga soo saaray talaalka dhawaan ka bilowday gudaha wadanka ingariiska iyo guud ahaan UK kaasi oo la xiriira dadka qaadanaya talaalka Cusub.

Maamulka caafimaadka ee Britain waxay uga digeen dadka horey ula soo kulmay xasaasiyadda daran ee cuntada ama daawada, waxayna ugu baaqeen inay ka waantoobaan qaadashada tallaalka Pfizer ee ka dhanka ah Corona.

Digniinta ka soo baxday masuuliyiinta Ingiriiska ayaa timid kadib markii shalay laba qof uu ku dhacay xasaasiyad aad u daran talaalka Corona awgeed. Sida uu qoray wargayska Guardian . Madaxa waaxda dawooyinka ee nidaamka Medicare-ka Ingiriiska, Stephen Boyce, ayaa sheegay in ay caadi tahay in masuuliyiintu ay soo saaraan digniin talaal kasta oo cusub.

Tijaabooyinku waxay muujiyeen in tallaalka wadajirka ah ee u dhexeeya shirkadda Maraykanka ah ee Pfizer iyo shirkadda Jarmalka ah ee Biontec ay boqolkiiba 95 ka difaacayso fayraska.

Midowga Yurub waxaa la filayaa inay qaataan go’aanka ugu horeeya ee ay ku ansixinayaan tallaalka bishan Diseembar 29

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here