Home Wararka Caalamka Faransiiska oo ansixiyay sharci Cusub oo dhibaato ku ah Muslimiinta Wadanka

Faransiiska oo ansixiyay sharci Cusub oo dhibaato ku ah Muslimiinta Wadanka

0

Golaha wasiirada Faransiiska ayaa ansixiyay hindise sharciyeed looga gol leeyahay in lagula tacaalo islaamka xagjirka ah ka dib markii dhowaan weeraro is xigxigay ay ka geysteen kooxaha xagjirka ah.

Sharciga qabyada ah, oo qeyb ka ah dadaal dheer oo uu wado Madaxweyne Emmanuel Macron si uu u ilaaliyo qiyamka cilmaaniga ah, wuxuu adkeynayaa xeerarka ku saabsan iskuulka-guryaha iyo hadalada naceybka ah.

Qaar ka mid ah dadka wax dhaleeceeya, oo ku kala sugan Faransiiska iyo dibaddaba, waxay ku eedeeyeen dowladdiisa inay u adeegsaneyso beegsiga diinta.

Laakiin Raiisel wasaare Jean Castex wuxuu ku tilmaamay “sharci ilaalin ah” kaas oo Muslimiinta ka xoreynaya gacanta kooxaha xagjirka ah.

Wuxuu ku adkaystay in qoraalkaas “aan loola jeedin diimaha ama gaar ahaan diinta muslimka”.

Sharciga “taageeraya mabaadi’da Jamhuuriga” ayaa adkeyn doona xannibaadaha ku saabsan hadalka nacaybka ee internetka wuxuuna mamnuucayaa adeegsiga internetka si shar ah loogu muujiyo faahfaahinta shaqsiyeed ee dadka kale.

Somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here