Home Wararka Maanta Sharci Cusub oo ka bilaabanaya Norway Sanadka Cusub oo lagu muteesanayo ganaax...

Sharci Cusub oo ka bilaabanaya Norway Sanadka Cusub oo lagu muteesanayo ganaax 5,000 NOK

0

Haddii aad isticmaasho taleefankaaga gacanta inta aad gaari wadid, waxaa lagugu ganaaxi karaa 5,000 NOK iyo saddex dhibcood laga bilaabo Sannadka Cusub sida maanta Dowlada Norway soo bandhigtay

– way adkaandoontaa haddii lagugu qabto adigoo isticmaalaya mobilkaaga adoo baabuur wata, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka Knut Arild Hareide (KrF) oo la hadlay VG.

Ganaaxa maanta ayaa ah 1700 karoon iyo laba dhibic. Laakiin go’anka dawladdu ee maanta ayaa ka duwan kana adag midkii hore.

”Waa inay yeelataa saameyn, si dadku si dhab ah ugu qaataan arrintaas, ayuu yidhi wasiirka gaadiidka”

– Waxaan soo bandhignay labo dhibcood iyo 1700 oo ganaax ah waxaana u maleynay inay muhiim noqon doonto, laakiin waxaan aragnaa in saameynta cabirkaas uu ka yaryahay sidii aan rajaynay. Sidaas awgeed waa in isbadal lagu sameeyaa xeerarka, ayuu yidhi.

Sidoo kale ma isticmaali kartid taleefankaaga gacanta haddii aad wali ku taagan tahay laydh cas ama safka wadooyinka marka jaamka uu jiro Maxkamadda Sare ayaa soo gabagabeysay dayrta. Soo jeedinta kordhinta ganaaxa waxaa loo diray wadatashi durba 2018, laakiin lama aqbalin illaa iyo hadda.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here