Home Wararka Maanta Tirada Dhismahada Corona ee laga diiwaangaliyay Dalka Sweden oo lasoo bandhigay

Tirada Dhismahada Corona ee laga diiwaangaliyay Dalka Sweden oo lasoo bandhigay

0

Cudurka Corona ayaa ka jira gudaha Iswiidhan kaasi oo dad badan u dhinteen xili waddanku uu diiwaan geliyey tiro aad u tiro badan oo cusub oo dhimasho ah, maanta hay’ada Caafimaadka ayaa diiwaangalisay 160 dhimasho . iyadoo oo wadarta dhimashada ay korortay 7 kun iyo 514 xaaladood tan iyo markii cudurku ku faafay dalka

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha maanta waxay muujisay in tirada dhaawacyada la xaqiijiyay ay kor u kacday 320,98, kuna siyaaday 7,370 kiis marka la eego tirakoobka lagu dhawaaqay shalay.

Tirada bukaanada Corona ee galay daryeelka degdega ah ilaa hada waxay gaarayaan 3 kun iyo 537 bukaan.

Hay’adda Caafimaadka ayaa ka digtay, shir jaraa’id oo ay shalay qabatay, in xaaladdu ay tahay “mid aad u khatar badan madama ay jiraan kiisas badan oo dalka ka jira.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here