Home Wararka Maanta Sweden oo bilaabeyso Fariimo Qoraal ah oo ku saabsan Corona 14 December

Sweden oo bilaabeyso Fariimo Qoraal ah oo ku saabsan Corona 14 December

0
Foto: Jessica Gow / T

Dawladdu waxay maanta shaacisay in mas’uuliyiinta Sweden ay fariimo qoraal ah ugu diri doonaan dadka deegaanka fariimaha cusub ee tilmaamaha caafimaadka ee dhaqan galaya laga bilaabo 14-ka Diseembar

Wasiirka Arimaha Gudaha Mikael Dambéry wuxuu sheegay in shaqsiyan ku saarantahay masuuliyad weyn si loo xadido faafida cudurka, asaga oo carabka ku adkeeyey in tilmaamuhu aysan ahayn talo laakiin tilmaamaha ay tahay in la raaco si loo xadido faafitaanka cudurka Corona. Sida ku xusan SVT.

Dampery wuxuu intaas ku daray in macluumaadku uu gaarsiin doono farriimo qoraaleed dad aad u tiro badan si wax ku ool ah

Dawladu waxay u xilsaartay Hay’adda Gurmadka iyo Badbaadinta Bulshada iyo Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha inay si wada jir ah u soo saaraan iskuna dubbaridaan farriinta qoraalka. Afarta shirkadood ee isgaarsiinta ugu waaweyn ayaa dowladda ka caawin doona arrintan  iyadoo farriimaha la gaarsiin doono 22 milyan oo macmiil ah, sida uu sheegay
.wasiir Andush Aegeman.

Haddii aan hal naf ku badbaadin karno waraaqaha, way mudan tahay,” ayuu yiri” agaasimaha isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah Morgan Olofsson.

Maamulka gurmadka ayaa ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan sidii ay ugu adeegsan lahaayeen aqoontooda luqadeed si ay ugu wargaliyaan dadka ay jecel yihiin iyo sidoo kale nuxurka ku jira farriinta qoraalka.

Farriinta qoraalka ayaa u muuqan doonta “Xog laga helo maamulka. Raac tilmaamo cusub, oo adag si loo joojiyo faafitaanka COVID-19. Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso bogga Macluumaadka Dhibaatada krisinformation.

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here