Xisbiga SD ayaa soo jeediyay Qorshe ama Hindise dhigaya In Dadka Ajaanibta ah ay Shaqeeyaan Shaqooyin Qasab ah si ay u helaan Lacagooyinka Dowlada siiso.
Sharciga Cusub ayaa ah mid Dowlada Denmark ay Shalay Ansixisay kaasi oo dhigaya in Dadka ajaanibta ay Shaqeeyaan 37 Saacadood oo bilaash ah si ay bulshada u dhex galaan una helaan Lacagta Dowlada.
”Waa wax aan Caqli gal Aheyn in Dadka ay Helaan Lacago mudo dheer iyadoo aan jirin Sabab ” Hogaamiyaha SD Jimmie Ã…ksson ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.
Dalka Denmark ayaa soo saara Sharciyo Adag taasi oo marka danbe kaga daydaan wadamada kale ee Scandinavian-ka kuwaasi oo Qaxooti badan ku suganyihiin.
inkastoo uu waqti qaadanayo hadana hadii uu Sharcigan noqdo mid lagu heshiiyo waxay ka dhigantahay in Dad badan Shaqeeyaan Saacado bilaash ah.
Somaliska Stockholm