Home Wararka Maanta Sweden oo kordhineyaa Lacagta Jirada ee loo yaqaano (Sjukpenning)

Sweden oo kordhineyaa Lacagta Jirada ee loo yaqaano (Sjukpenning)

0
Photo/Henrik Montgomery / TT

Dowlada Sweden ayaa maanta ku dhawaaqday in ah kordhineyso Lacagta Jirada ee Loo yaqaano Sjukpenning taasi oo loogu tala galay Dadka Xanuunsada.

Shir jaraa’id oo Dowlada qabatay maanta ayaa lagu shaaciyay in Dowlada ay kordhineyso Lacagta Jirada tusaale Qofka Maanta waxa uu helaa Lacag dhan 821 kr waxana laga dhigidoonaa 1027 Kr maalinti.

Dowlada ayaa sheegtay in Talaabadan ay tahay mid Faa’ido leh Dad badan oo hela Lacagta Jirada isla markana Dowlada ay hada sugeyso in Barlamaanka la mariyo.

Dowlada ayaa miisaaniyad dhan 3 Bilyan ku dareysa Sanadkan 2022 si loo Fuliyo Qorshahan Dowlada ay Lacagta ugu Kordhineyso Dadka Hela Lacagta Faa’idada Jirada ee Sjukpenning.

– Xanuunnada iyo shilalka ayaa dhammaanteen na saamayn kara, ka dibna waxaan ku tiirsannahay caymis caafimaad oo shaqeeya, ayuu yiri wasiirka caymiska bulshada Ardalan Shekarabi (S).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here