Home News in English Ruushka iyo Shiinaha oo si wadajir ah u sameenaya dhoolatus ciidan

Ruushka iyo Shiinaha oo si wadajir ah u sameenaya dhoolatus ciidan

0
Photo/Foto: AP

Dhowr maalmood gudahood, ciidamada Ruushka iyo Shiinuhu waxay si wadajir ah u bilaabi doonaan dhoolatus milateri oo ay ka sameynayaan bariga fog ee Ruushka, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan in ka badan 50,000 oo askari, sida ay sheegtay Kremlin-ka.

Dhoolatuska Vostok 2022 ayaa socon doona in kasta oo Ruushka dagaal kula jiro Ukraine, waxaana sidoo kale ka qeyb qaadan doona ciidamada India, Laos, Mongolia, Syria iyo Nicaragua, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Dhoolatuskan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa bilaabanaya Arbacada, waxaana muuqaal laga soo duubay wasaaradda uu muujinayaa askarta Shiinaha oo gaaray Ruushka si ay uga qeyb qaataan.

Si ka duwan wadamo badan oo kale, Shiinaha iyo Hindiya ayaa ku guuldareystay inay cambaareeyaan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa bishii Febraayo ku booqday dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping magaalada Beijing, wuxuuna sheegay xiriirkaas in xiriirka labada dal uu ku horumaray “sida saaxiibtinimada iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here