Home News in English Booliska Norway oo bilaabay baaritaanka haweeney u dhalatay Norway oo meydkeeda laga...

Booliska Norway oo bilaabay baaritaanka haweeney u dhalatay Norway oo meydkeeda laga helay Soomaaliya

0

Booliska magaalada Oslo ayaa furay baaritaan kadib markii haweeney u dhalatay Norway oo meyd ah laga helay Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay maamulaha warbaahinta Unni Grøndahl.

– Waxa aanu wada hadal la leenahay wasaaradda arrimaha debedda, si aanu xog badan uga helno, ayuu u sheegay VG Grøndahl .

Booliska Soomaaliya ayaa Jimcihii VG u xaqiijiyay geerida , waxayna sheegeen in ay baarayaan kiiskan oo ah mid looga shakisan yahay dil.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa kiiskan la socota, balse waxay sheegtay in marka la eego khibradda ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku qaadaneyso muddo dheer in si rasmi ah loo xaqiijiyo dhimashada ka dhacday Soomaaliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here