Home News in English Xisbiga Vänsterpartiet oo dhimaya Qiimaha Tikidhada ee Gaadiidka lagu raaco

Xisbiga Vänsterpartiet oo dhimaya Qiimaha Tikidhada ee Gaadiidka lagu raaco

0
Photo/© Tillhandahålls av Omni

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa doonaya in qiimaha tigidhada gaadiidka dadweynaha la dhimo kala bar dalka oo dhan, sida ay sheegtay hogaamiyaha xisbiga Nooshi Dadgostar.

Sida ku cad hindisaha, gobolka ayaa mas’uul ka noqon doona kala bar dakhliga ay gobolladu ku soo xareeyaan tigidhada, taasoo lagu qiyaasay inay ku baxdo laba iyo toban bilyan sannadkii.

– Qiimaha tigidhada ayaa si aad ah u kordhay wakhtiba wakhti ka dib. Waxay kordheen wax aad uga badan qiimaha kale, ayay tidhi hogaamiyaha V Nooshi Dadgostar.

Xisbigu wuxuu u arkaa gaadiidka dadwaynaha inay yihiin tiir-dhexaad u ah isbedelka cimilada, ayay tidhi.

Hogaamiyaha V ayaa sidoo kale soo bandhigay in xisbigu magacaabay afar “protagonists” kuwaas oo soo saari doona barnaamij dowladeed doorashada ka dib haddii loo ogolaado in ay ka qayb galaan gorgortanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here