Home Wararka Maanta Raisel Wasaaraha Norway oo sheegtay in dib loo celinayo Ajaanibta aan wadan...

Raisel Wasaaraha Norway oo sheegtay in dib loo celinayo Ajaanibta aan wadan Warqadaha cadeynta ee Coronavirus

0

Dadka Ajaanibta ee aan soo bandhigi karin baaritaanka Corona inta ay soo galayaan Norway ayaa wajihi kara in dalka laga eryo, sida ay sheegtay ra’iisul wasaare Erna Solberg (H) khamiistii maanta.

Shirka Jaraaid ee dowlada qabatay ayuu Wasiir Caafimaadka Bent Høie (H) dhankiisa ku bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sharciyada cusub ee corona iyo sida ay u khuseeyaan shaqaalaha dibada ka yimid.

Xeerarku waxay khuseeyaan dhammaan ajaanibta ee ka imanaya dibadda, marka laga reebo in yar.

Ka reebitaanku wuxuu khuseyn karaa dadka sida joogtada ah uga safra Iswiidhan iyo Finland ama dadka ku jira howlaha bulshada ee muhiimka ah markay lagama maarmaan noqoto si looga fogaado nolosha iyo khataraha caafimaad.

Markaad soo gasho, Dalka waa in karantiil lagugu hayaa muddo toban maalmood ah meel ku habboon oo lagugu soo bandhigaa baaritaanka ku saabsan  72-kii saac ee la soo dhaafay, sida ku cad sharciyada cusub.

“Haddii aadan haysan dukumiinti noocaas ah oo muujinaya in aadan xanuunka qabin waxay aasaas u tahay in laga saaro Norway,” ayuu Solberg raaciyay.

Muwaadiniinta Norwey waa in sidoo kale la karantiilaa markay joogaan wadamada “guduudka ah ama casaaska ku jira”, laakiin dabcan lama masaafurin doono, iga ayay tiri Solberg.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here