Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Faransiiska oo soo jeediyay in Boolis gaar ah loo sameeyo Xuduudaha...

Madaxweynaha Faransiiska oo soo jeediyay in Boolis gaar ah loo sameeyo Xuduudaha Midowga Yurub

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu ku baaqay “dib u habeyn qoto dheer” in lagu sameeyo aagga Schengen, oo ah aagga xuduudaha furan ee Yurub, isagoo ka codsaday Midowga Yurub in la dhiso “boolis dhab ah” oo la geeyo xuduudaha.

Hadalkiisa ayaa imanaya kadib markii France iyo Austria ay la kulmeen weeraro lagu hoobtay oo ka yimid kooxod ka yimid dalka dibadiisa.

“Waxaan si cad u aragnaa in falalka argagixisada ay dhab ahaantii horseedi karaan dadka qaar oo adeegsada qulqulka muhaajiriinta si ay ugu hanjabaan dhulkeena,” Macron ayaa yiri isagoo booqanaya magaalada Le Perthus ee u dhow xadka Spain khamiistii.

“Marka waa inaan xoojino kantaroolkeena sababo amni qaran awgood,” ayuu raaciyay.

Isaga oo ay dhinac fadhiyaan Wasiirka Arimaha Gudaha Gerald Darmanin iyo Wasiirka Arimaha Yurub Clement Beaune, Macron waxa kale oo uu ku dhawaaqay in France ay laba jibaareyso tirada ilaalada xuduudaha dalkeeda laga bilaabo 2,400 ilaa 4,800 sababo la xiriira khatarta argagixisada oo sii kordheysa

Somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here